Dacwado loo gudbiyay guddiga adeegga garsoorka dalka ee JSC ee lagu dalbanayay in xilka laga xayuubiyo garsooraha maxkamadda Sare Saciid Chitembwe ayaa lagu soo warramayaa in laga laabtay.
John Wangai iyo Stephen Owoko ayaa sheegeen inay ka laabteen, iyagoo aanan la qasbin go’aakoodi hore, islamarkaana haatan wax cabasho aysan ka qabin garsoore Saciid Juma Chitembwe.
Labada shaksi ayaa ku doodayay in garsoore Chitembwe uu ku guul dareystay inuu tixgeliyo madax bannaanida garsoorka dalka.
Waxaa ay sidoo kale ku andacoodeen in Chitembwe uu sameeyay xukuno muran badan dhaliyay intii uu xafiiska joogay.
Dhanka kale waxaa lagu wadaa in 14-ka bishan la dhageysto laba codsi oo kale oo weli hor yaalla guddiga adeegga garsoorka dalka ee JSC ee ka dhan ah garsoore Chitembwe.
22-kii bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista ee DCI-da ay xabsiga u taxaabeen garsoore Saciid Juma Chitembwe iyo dhigiisa Aggrey Muchelule, ka dib markii lagu eedeyay inay laaluush qaateen xilli ay gacanta ku hayeen kiisas hore .
Home Wararka Kenya Codsiyo lagu doonayay in xilka laga xayuubiyo garsooraha maxkamadda sare Saciid Chitembwe...