Xisbiga UDA oo sheegay inay jiraan xidhibaanno qorsheeynaya inay carqaladeeyaan isu soo baxyada Ruto ee Nyeri

0
421

Xisbiga United Democratic Alliance UDA ee lala xiriirinayo ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka digay qorshe lagu carqaladeyn raba isu soo baxyada siyaasadeed ee uu qorsheynayo hoggaamiyaha labaad ee dalka inuu ku qabto ismaamulka Nyeri, halkaas oo maanta uga bilaabaneyso booqasho 3 cisho ah.
Wahome Mwangi, oo ah isuduwaha xisbiga UDA ee dowlad deegaanka Nyeri, ayaa sheegay in xildhibaanka deegaanka Kieni Kanini Kega iyo dhigiisa magaalada Nyeri Njunjiri Wambugu ay qorsheeynayaan inay maleegaan rabshado ay doonayaan inay ku carqaladeeyaan ololaha siyaasadeed ee William Ruto ee ismaamulkaasi.
Labada xildhibaan ayaa xulafa la ah hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.
Madaxweynaha ku xigeenka dalka Willianm Ruto ayaa qorsheeynaya in 22 isu soo bax uu ku qabto gobolka bartamaha dalka.
Isuduwaha xisbiga UDA ee dowlad deegaanka Nyeri Wahome Mwangi, ayaa xusay inay hayaan xog ku saabsan inay jiraan dhallinyaro la diyaariyay oo la doonaya in qalalaaso ka dhex abuuraan isu soo baxyada Ruto ee uu ku qabanayo dowlad deegaanka Nyeri.
Mr. Mwangi ayaa ka digay in gobolka bartamaha dalka laga dhex abuuro naceyb ka dhan qowmiyadaha halkaasi ku nool.
Dhanka kale mudanaha laga soo doortay deegaanka Kieni Kanini Kega ayaa horaan uga digay ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto in uu ka waantoobo xadgudubka uu ku hayo hoggaamiyayaasha maxalliga ah ee xulafada la ah ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga.