Dugsiyada sare ee dalka Itoobiya oo la xiraya

0
340

Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa xiray dhammaan dugsiyada sare ee dalkaasi si ardaydu ay dadka beeraleyda ah ee ku maqan safka hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF uga caawiyaan goosashada dalagyada beeraha.
Warbaahinta dowladda oo soo xiganaysa wasiirka wasaaradda waxbarashada Itoobiya ayaa sheegtay in dugsiyada sare ay xirnaan doonaan muddo toddobaad ah oo ka billaabanayso Isniinta soo socota ee 6-da bishan.
In ka badan laba milyan oo arday ah ayaa horay uga maqnaa dugsiyada dalkaasi sababo la xiriria colaadda dalkaasi oo sanad ka hor ka soo billaabatay gobolka waqooyi ee Tigray.
Inkastoo wax colaad ah aysan ka jirin dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, haddana xafiiska waxbarashada deegaanka Soomaalida ayaa warbaahinta u sheegay in dugsiyada sare ee deegaanku ay xirnaanayaan muddadaasi toddobaadka ah, si loogu hoggaansamo amarka wasaaradda waxbarashada ee heer federaal.