William Ruto oo socdaal maanta ku tagaya Nyeri

0
339

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro ismaamulka Nyeri ee gobolka bartamaha dalka.
Ruto ayaa shacabka taageero uga raadsanaya qorshihiisa ku saleysan wanaajinta nolosha danyarta , dhallinyarada shaqo la’aanta ah iyo ganacsatada yaryar.
Waxaa lagu wadaa in ku xigeenka madaxweynaha dalka uu 9-ka subaxnimo ee maanta xarigga ka jaro furitaanka fasallo dhawaan la dhisay ee dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Kangoco ee dowlad deegaanka Nyeri.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ku xigeenka madaxweynaha uu sidoo kale kulamo ku qabto degmooyinka kala duwan ee Nyeri.
Ruto ayaa wado olole siyaasadeed oo uu shacabka ku qancinaya inay taageeraan qorshihiisa ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha wadanka laga soo billaabo meel hoose iyadoo garab la siinaya danyarta, dhallinyarada shaqo la’aanta ah iyo ganacsatada yaryar.