Twitter oo masaxday ku dhawaad 3,500 akoon oo dacaayad lagu faafiyay

0
332

Shirkadda Twitter oo ka mid ah baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ayaa tirtirtay 3,465 oo ah akoono lagu sheegay in loo adeegsanayay faafinta dacaayadaha.
Macluumaadka barahan la soo dhigay ayay shirkaddu la xiriirisay dowladaha Shiinaha ,Mexico, Ruushka ,Tanzania, Uganda iyo Venezuela.
2,048 oo ka mid ah barahan ayaa buunbuuniyay sheekooyinka xisbiga Communist Party ee Shiinaha.
Waxaa lagu soo qoray xogag ku saabsan qaabka loola dhaqmay bulshada Uighurs ee gobolka Xinjiang.
Dowladda Shiinaha ayaa horay loogu eedeyay ku xadgudubka xuquuqul aadanaha gaar ahaan bulshada muslimiinta ah ee halkaasi ku nool in kastoo ay dhaliishaasi iska fogeysay.
Baraha laga adeegsado gudaha Uganda ee ay Twitter meesha ka saartay ayaa gaaraya 418 waxaana lala xiriiriyay isku dubaridka fal aan rasmi ahayn oo lagu taageeray madaxweyne Yoweri Museveni iyo xisbigiisa NRM.
Dalka Tanzania waxaa laga xiray ku dhawaad 270 akoon oo lagu bartilmaameedsadayxubnaha iyo taageerayaasha urur bulsho oo loo yaqaano FichuaTanzania.
Baraha la masaxay waxaa ka mid ah 16 lala xiriiriyay shirkad intarneet oo laga leeyahay Ruushka oo faafisa ololaha lagu mucaarado dowladda dalkaasi.