Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ku adkeystay in qof kasta oo kenyaan ah uu heli doono caymis caafimaad, haddii loo doorto madaxweynaha dalka sanadka soo socda.
Raila oo hadlay xilli uu shalay xarigga ka jaray machadka tababarka caafimaadka ee KMTC ee magaalada Awendo ismaamulka Migori, ayaa ku celceliyay in haddii doorashada soo socota loo codeeyo uu wax u qaban doono dadka aan awoodin inay iska bixiyaan qarashaadka caafimaadka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale ballanqaaday in xarumaha caafimaadka la tayeynayo si loo xaqiijiyo in deegaan kasta uu ka jiro isbitaalka heerka shanaad ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in tababar sare la siin doono shaqaalaha caafimaadka.
Mr. Odinga ayaa xusay in daryeelka caafimaadku u yahay lagama marmaan, islamarkaana lagu dadaali doono sidii kor loogu qaadi lahaa waaxyaha caafimaadka ee dalka.
Waxaa dhanka kale goobta uu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka xarigga ka jaray xarunta KMTC ee ismaamulka Migori ku wehlinayay xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka Dr. Mercy Mwangangi, barasaabka ismaamulka Kisii James Ongwae, dhigiisa Kakamega Wycliff Oparanya, guddoomiyaha dowlad deegaanka Homa Bay Cyprian Awiti, xildhibaanka deegaanka Suba John Mbadi iyo mudanaha laga doortay bariga Suna Junet Maxamad.