Waxaa uu fasax u billowday mudanayaasha baarlamaanka dalka in kastoo guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi uu ku wargeliyay in dib loogu yeeri karo.
Muturi ayaa sheegay in baarlamaanka ay hor yaallaan hindise sharciyeedyo muhiim ah oo ay lagama maarmaan tahay in la ansaxiyo maadaama dalka uu u diyaar garoobayo doorasho guud.
Fasaxa oo ay sidoo kale aadayaan senatarrada aqalka sare ayaa soconaya muddo labo bilood ah ka hor inta kal-fadhiyadu aynan dib u furmin.
Xeerarka baarlamaanka uunan weli gabagabeyn waxaa ka mid ah isbeddel lagu sameeyay nidaamka xisbiyada siyaasadeed.
Hindisahan ayaa soo jeedinaya in isbeddel ballaaran lagu sameeyo qaabka loo qaybsado dhaqaalaha xisbiyada wadanka ka jiro.