Maxkamadda oo ayidday xukun 30 sano oo la saaray nin xaaskiisa gacmaha ka jaray

0
374

Maxkamadda dalka ayaa ayidday xukun 30 oo xabsi ah oo horay loogu riday Stephen Nthenge.
Sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii uu ninkan xaaskiisa oo lagu magacaabo Jackline Mwende ka jaray labada gacmood.
Go’aanka maxkamadda waxaa ku dhawaaqay garsoore George Odunga oo meesha ka saaray dacwad racfaan oo uu gudbiyay Nthenge.
Mr. Stephen ayaa doonayay in lagu xukumo xabsi aan sanado badan ahayn maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee uu fal dambiyeed sameeyo hasa ahaate codsigiisa ayay maxkamaddu laashay.