Kenya oo heshay 2.2 milyan oo ah dawooyinka tallaalka ee COVID-19

0
432

Waxaa dalka la soo gaarsiiyay 2.2 milyan oo kuuro oo ah dawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 .
Nooca tallaalka ee AstraZeneca ayaa waxaa ku deeqday dowladda Jarmalka iyadoo loo marayo hannaanka qaybsashada dawooyinka ee Covax .
Waxaa tallaalkan guddoomay saraakiisha wasaaradda caafimaadka dalka oo uu hor kacayo Dr. Willis Akhwale, madaxa guddiga loo xilsaaray qaybinta dawooyinka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda ugu yaraan 7.1 milyan oo qof ay qaateen tallaalka corona .
Dhanka kale Kenya ayaa heegan sare ku jirta maadaama faraca cusub ee caabuqa ee loo yaqaano Omicron lagu arkay qaar ka mid ah wadamada caalamka.