Maraykanka oo cunaqabateyn ugu hanjabay Ruushka

0
309

Dowladda Maraykanka ayaa xukuumadda Moscow ugu baaqday inay ciidamadeeda ka saarto xadka ay la wadaagto Ukraine .
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa wacad ku maray in haddii Ruushku uunan baaqan u hoggaansamin xayiraado lagu soo rogi doono.
Mr. Blinken ayaa tilmaamay in cunaqabateynta ay noqon doonto mid si wayn u saameysa Ruushka.
Xoghayaha ayaa sheegay inaynan ogeyn in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu go’aansaday inuu ku duulo Ukraine ama uu qorsho arrinkan ku aaddan diyaarinayo.
Hasa ahaate waxaa uu caddeeyay hadii dowladda Ruushka ay xadgudub sameyso in Maraykanka uu si u dhiganta tallaabada Moscow uga falcelin doono.