Shan dhallinyaro ah oo lala xiriirinayo falal dhac ah oo laga gaystay deegaanka Nyali ee ismaamulka Mombasa ayaa xabsiga loo taxaabay.
Ciidamada dambi baarista ee ka howlgalo magaalada Mtwapa ee ismaamulka Kilifi ayaa burcadda soo qabtay ka dib markii mid ka mid ah oo lagu magacaabo Bakari Juma Saidi da’diisuna tahay 19 sano ay ka badbaadiyeen dil ay bulshadu doonaysay inay kula kacdo.
Dadweynaha ayaa Bakari lala xiriiriyay dhac dhowr mar laga soo tabiyay aagga loo yaqaano Kadzandani .
Saraakiisha ammaanka ayaa ku guulaystay inay xaafadda Kiembeni Bobo ka soo qabtaan eedeysanayaasha kale ee David Juma ,Marriam Cali ,Kamanzi Kikoba iyo qof shanaad.
Tuhmanayaasha ayaa wajahaya eedeymo ku saabsan boob hantiyeed, xatooyo iyo xadgudub.