Aqalka sare oo loogu baaqay inuu tixgeliyo isbedellada hindisaha NHIF

0
353

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa senatarrada aqalka sare ka codsaday inay dardargeliyaan tixgelinta isbedello lagu sameeyay hindisaha caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF oo la soo saaray sanadkan.
Xeerkan ayaa waxaa goor sii horreysay ansaxiyay baarlamaanka wuxuuna hoggaamiyaha wadanka doonaya in aqalka sare uu tallaabadaasi taageero.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay inuu meel wanaagsan marayo geeddisocodka ku aaddan helidda adeeg guud oo caafimaad si boqolkiiba boqol ee shacabka ay uga faa’iidaystaan.
Madaxweynaha ayaa siyaasiyiinta ku boorriyay inay dowladda dhexe garab ku siiyaan sidii meesha looga saari lahaa caqabad kasta oo ku hor gudban in dhammaan kenyaanka ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Hoggaamiyaha dalka waxaa uu tilmaamay in marka la eego wadamada bariga Afrika , Kenya ay miisaaniyadda ugu badan u qoondeyso arrimaha caafimaadka.
Miisaaniyadda la siiyay wasaaradda caafimaadka dalka ee sanadkan ayaa ah 121.1 bilyan oo shilin.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynuhu sheegay in tirada dadka iska diiwaangeliyay hannanka caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF oo sanadkii 2013-kii ahayd 4 milyan ay hadda tahay 10.5 milyan.
Mr. Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in sanadihii uu wadanka hoggaaminayay tirada xarumaha caafimaadka la kordhiyay boqolkiiba 43.
Muddo siddeed sano gudahood , maamulka talada haya ee Jubilee ayaa dhisay 1,912 oo isbitaallo cusub ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in marka loo eego maamulladii Jubilee ka horreeyay inay ku guulaysteen dhisidda xarumo caafimaad oo tiro ahaan 6 mar ka badan intii hore.
Dhanka kale sida uu sheegay madaxweynaha, haweenka xirfadlayaasha ah ee ka umuliyo hooyooyinka ayay tiradoodu gaartay boqolkiiba 62 halka horay ay ahayd 43 boqolkiiba.
Tani ayaa fududeysay in kiisaska umul raaca ay yaradaan boqolkiiba 26.
Mr. Kenyatta ayaa intaasi ku daray in barnaamijka lagu taageero hooyooyinka uurka leh ee Linda Mama ay ka faa’iideen haween gaaraya 5,843,307 .
Waxaa uu intaasi ku daray in maadaama barnaamijkan lagu bixiyo qaab caymis ah in kenyaanka ay u baaqatay lacag dhan 81.4 bilyan oo shilin oo uga bixi lahayd.