Waxaa uu qorshuhu yahay in Kenya ay maanta yeelato caasimaddii afaraad .
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu sare u qaado maqaamka magaalada Nakuru oo ay la heer noqoto Nairobi, Mombasa iyo Kisumu.
Shalay ayuu arrinkan shaaca ka qaaday isagoo xusay inay sharaf u tahay in Nakuru uu ka dhigo caasimad.
Mr. Kenyatta ayaa carrabka ku dhuftay in Nakuru ay tahay magaalada ugu nadaafadda fiican bariga Afrika.
3-dii bishii lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii aqalka sare ee dalka uu ka dooday oo uu ansaxiyay warbixin lagu soo jeediyay in Nakuru la gaarsiiyo heer caasimadeed.
Sanadkii 1904-tii ayay ahayd markii guumaystihii Ingiriiska uu Nakuru magaalo ka dhigay waxayna soo martay heerar kala duwan oo dhanka horumarka ah.