Madaxweyne Uhuru: Kenyaanka waxaa laga hor istaagay isbeddel dastuuri oo ay u baahnaayeen

0
438

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in go’aankii maxkamadda sare ee dalka ay meesha uga saartay hindisihii sharci beddelka ee la doonayay in wax looga beddelo xeerarka wadanka ee BBI, ee kenyaanka laga hor istaagtay isbeddel dastuuri oo ay u baahnaayeen.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka oo khudbaddiisa qaran ee siddeedaad tani iyo markii u xilka qabtay sanadkii 2013-kii jeediyay gelinkii dambe ee shalay oo uu si wadajir ah ugula hadlay xildhibaanada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare ayaa sheegay in dalka loo diido fursad uu ku xaqiijiyo xasillooni siyaasadeed oo baahi wayn loo qabay.
Waxaa uu xusay in 5 milyan oo qof Kenyaan ah ay soo jeediyeen in wax laga beddelo dastuurka hadda wadanka laga isticmaalo oo la ansaxiyay sanadkii 2010-kii.
“Dadweynaha muwaadiniinta waxay rabeen isbeddel dastuuri ah, balse dhowr qof ayaa fadhiistay, islamarkaana gaaray go’aan aan loo baahneen” ayuu yirii Mr.Kenyatta
Waxaa uu sheegay in golaha qaran ee xeer dejinta uu ka marag kacayo rabitaanka loo qabay BBI-da.
Mr.Kenyatta ayaa xusay in la lumiyay fursad lagu korhin lahaa miisaaniyadda ay dowladda dhexe siiso ismaamullada ee hadda ah boqolkiiba 15 si looga dhigo 35 boqolkiiba.