Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la filayo laga billaabo toddobaadka soo socdo inay roobab culus ka da’aan qaybo badan oo ka mid ah wadanka.
Gobollada ay waaxdu saadaalisay in roobab ay ka da’i doonaan waxaa ka mid ah buuraleyda bari, Rift Valley, meelaha joogoodu hooseeya ee Koonfur bari ee dalka iyo Xeebta.
Ismaamullada laga yaaba inay ka hooraan roobab culus oo toddobaad soconayo ayaa kala ah Makueni, Kitui, Taita Taveta, Machakos, Kilifi, Garissa, Lamu, Tana River, Mombasa, Kwale, Kajiado, Taita Taveta iyo deegaannada hoos taga caasimadda dalka ee Nairobi.
Bayaanka waaxdan waxaa qayb ka ah inay roobab culus oo heerkoodu lagu qiyaasay in ka badan 70 miliimitir ay ka da’aan goobaha aan soo sheegnay.
Waaxda KMD ayaa sidoo kale ka digtay in roobabaka la filaya inay ka da’aan goobahan ay wataan dufaano iyo dabeylo.
Waxaa ay dhanka kale shaacisay in ismaamullada kala ah Marsabit, Mandera, Wajeer, Garissa iyo Isiolo la filaya in maalinkii qorax ka jiri doonto halka habeenkii roobab ay da’i doonaan.
Sidoo kale dowlad deegannada kala ah Nairobi, Nyandarua, Nyeri, Kirinyaga, Murang’a, Kiambu, Meru, Embu, Tharaka-Nithi ayaa la rajeynaya in maalinkii iyo habeenkii ay ku jiri doonaan jawi roobaad.
Si kastaba ha ahaatee waaxda KMD ayaa ugu dambeyntii sheegtay in muddada roobabka culus la saadaaliyay ka dib loo badinayo in roobabku ay yaraadaan.