Bangiga adduunka ayaa sheegay inuu gabagabeynayo geeddisocodka hay’adaha gargaarka ee dalka Afghanistan lagu gaarsiinayo lacag dhan 500 oo milyan oo doolar.
Lacagtan ayaa laga soo saarayaa sanduuqyada dhaqaale ee horay xannibaadda loo saaray.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo 39 milyan oo qof oo wadankaasi ku nool ay wajahayaan hoos u dhac dhaqaale , cunno yari iyo saboolnimo sare u sii kacaysa.
Xaaladahan ayaa dalkaasi ka jiray saddexdii bilood ee ugu dambeeyay ka dib markii bartamihii bishii sideedaad ee sanadkan ay xukunka la wareegtay kooxda Taalibaan.
Hasa ahaate waxaa weli culeysyo wajahaya tobanaan kun oo ka shaqeeya waaxyaha dowladda Afghanistan oo ay saameyn ku yeelatay cunaqabateynta Maraykanka uu dalkaasi ku soo rogay.