Guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC ayaa ansaxiyay lacag dhan 4.5 bilyan oo ay wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada u adeegsan karaan in ay baabuur ku iibsadaan
Waxaa arrinkan warbaahinta u xaqiijisay guddoomiyaha SRC Lyn Mengich.
Haweeneydan ayaa sheegtay in tani ay horseedeyso in wakiil kasta uu helo 2 milyan oo shilin.
Mrs. Lyn ayaa hoosta ka xarriiqay in go’aankan lagu saleeyay baahida loo qabo sinnaan iyo cadaalad.
Qoraal ay u qortay guddoomiyaha cusub ee golaha barasaabyada dalka ee (CoG) Martin Wambora, ayay Lyn Mengich ku sheegtay in wakiillada golayaasha ismaamullada iyo guddoomiyaasha xarumahan ee horay u qaatay lacago amaah ah oo ay baabuur ku iibsadaan ay dhaqaalahan ka faa’iidaysanayaan.
Waxaa arrinkan soo dhaweeyay guddoomiyaha golaha wakiillada ismaamullada wadanka Ndegwa Wahome .
Home Wararka Kenya Guddiga SRC oo ansaxiyay in wakiillada ismaamullada la siiyo lacago ay baabuur...