Madaxweynaha dalka oo ciidamada ammaanka uga digay habdhaqan xumo

0
347

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa saraakiisha amniga ku boorriyay inay shacabka ugu adeegaan qaab waafaqsan dastuurka wadanka lagu maamulo.
Waxaa uu uga digay inay ku kacaan habdhaqan xumo sababi karto inay shaqadooda ku waayaan.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu guddoomiyay munaasabad ka dhacday xaafadda Embakasi ee magaalada Nairobi oo ay ku qalin jabinayeen saraakiil dhameystay tababar si ay ugu biiraan booliska dalka.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay badbaadinta booliska inta ay ka madax bannaan yihiin musuqmaasuqa iyo falal dembiyeedyada kale.
Waxaa xafladaasi ku qallin jabiyay 2,610 askari oo uu hoggaamiyaha dalka kula dardaarmay inay si hufan uga soo baxaan waajibaadka saaran.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in tan iyo sanadkii 2013-kii ,45,000 oo saraakiil cusub ah ay ku biireen waaxda booliska wadanka.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale ciidamada ammaanka ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan dhaqangelinta tallaabooyinka lagula dagaallamaya faafitaanka cudurka COVID19.
Waxaa uu dadweynaha ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan booliska iyo waaxyaha kale ee amniga oo ay gudbiyaan macluumaadka ku saabsan waxyaabaha saameyn karo xasiloonida guud ee dalka.