Shacabka Garissa oo loogu baaqay in ay bixiyaan qarashaadka biyaha

0
660

Wasiirka biyaha iyo waraabka ee dowladda hoose ee ismaamulka Garissa Cabdi Cumar Faarax ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay bixiyaan qarashaadka lagu yeesho ee la xiriira adeegga biyaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qaar ka mid ah shacabka Garissa oo aan lacagahan bixin ay caqabad ku noqotay shirkadda biyaha iyo bullaacadaha ee Garissa (GAWASCO)
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay shirkaddu billowday barnaamij soconaya saddex cisho oo dhammaan shakhsiyaadka qaabilsan adeeggan lagu fahansiinayo wanaajinta maareynta kheyraadka dhanka biyaha.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ismaamulka Garissa ay qodday ilaa 8 ceel biyood si xal loogu helo caqabadaha dhanka biyaha.
Waxaa uu xusay in ay jiraan xaafado ka tirsan Garissa oo ay weli biyo yari ka taagan tahay.
Wasiirka ayaa sidoo kale shaaciyay in hannaanka adeegyada biyaha ee Garissa laga dhigayo mid casri ah si shacabka si hufan loogu adeego.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in GAWASCO ay qorsheynayso in ay adeegsato korontada cadceedda laga dhaliyo si loo yareeyo qarashaadka awoodda korontada ee tamarta.
Wasiirka biyaha iyo waraabka ee Garissa ayaa sidoo kale dadweynaha ka codsaday in ay soo gudbiyaan warbixino ku saabsan saraakiisha ku lug leh wax isdaba marinta ee saameynaya waxqabadka shirkadda.