Baarlamaanka India oo ka laabtay sharci muran badan dhaliyay

0
399

Waxaa lagu soo warramayaa in baarlamaanka dalka India uu maanta u codeeyay in si rasmi ah looga laabto sharci muran badan ka dhex abuuray dowladda iyo beeralayda wadankaasi.
Ururrada ay ku bahoobeen beeralayda dalkaasi ayaa dhigay mudaaharaadyo ay uga soo horjeedaan sharcigaasi.
Waxaana iska hor imaadyo dhex maray ciidamada amaanka iyo dibadbaxayaaasha ku dhinteen tobonnaan qof.
Arrinkani ayaa ahaa caqabaddii ugu waynayd ee uu wajahay tan iyo markii uu xukunka la wareegay sanadkii 2014-kii ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi.
Toddobaadki hore ayay ahayd markii uu Mr. Modi ku dhawaaqay in dowladdiisu si rasmi ah uga laabaneyso sharcigaan oo beeralaydu ku sheegeen mid hoos u dhigaya wax soo saarkooda una xaglinaya shirkadaha waawayn ee ka shaqeeya wax soo saarka dalaga beeraha ee wadankaasi.
Waxaaa sharcigaan in laga laabto soo dhaweeyay ururrrada ay ku midaysan yihiin beeralayda India.