Senatarka Kiambu oo ballanqaaday inuu si daacad ah ugu adeegi doono Jubilee

0
450

Senatarka ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka Kimani Wamatangi ayaa hoggaanka xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee kaga mahadceliyay xil uu u dhiibay.
Shalay ayay ahayd markii senatarka Murang’a Irungu Kang’ata laga xayuubiyay xilkii uu ka hayay aqalka sare ee madaxa nidaamka iyo kala dambeynta.
Waxaa jagadan lagu wareejiyay dhigiisa Kiambu oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Twittarka ku sheegay in uu xisbiga si daacad ah ugu adeegi doono.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo xoghayaha guud ee Jubilee Raphael Tuju ayuu xusay in ay kalsooni u muujiyeen.
Waxaa uu sheegay in uu dadaali doono inta karaankiisa ah isagoo dhanka kale guul u rajeeyay mas’uulkii uu xilkan kala wareegay .
Mr. Kang’ata ayaa lagu eedeyay inuunan u hoggaansamin xeerarka lagu maamulo xisbiga Jubilee taasoo keentay in tallaabo laga qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here