Raila iyo Ruto oo ku baaqay doorasho nabad ah

0
401

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo maanta ku kala sugnaa ismaamullada Nairobi iyo Kirinyaga ayaa kenyaanka ugu baaqay inay ka fogaadaan siyaasadda qabyaaladda ku saleysan.
Waxay labaduba soo jeediyeen in lagu dadaalo sidii doorashada guud ee bisha sideedaad sanadka 2022-ka ay u noqon lahayd mid nabad ah.
In kastoo uunan weli Raila Odinga si rasmi ah u shaacin musharraxnimadiisa haddana labadan siyaasi ayaa qaybaha kala duwan ee dalka ku marayo socdaalo ay ku xoojinayaan midnimada shacabka sidoo kalena uga raadsanayaan taageero siyaasadeed.