Bangiga adduunka oo muddo hal sano ah ku kordhinaya mashruuca KDRDIP

0
347

Bangiga adduunka ayaa shaaciyay in muddo hal sano ah lagu kordhin doono hirgelinta mashruuca horumarinta wadanka ee looga falcelinayo saameynta barakaca ee loo yaqaano (KDRDIP).
Barnaamijkan ayaa waxaa ku baxaya dhaqaale dhan 10 bilyan oo shilin sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda.
Muddo kordhinta ayaa loo aaneeyay in bulshooyinka ka faa’iidaysanaya ee ku nool Garissa, Wajeer iyo Turkana sidoo kale dowladda ay fursad u helaan dhamaystirka shaqooyinka uu carqaladeeyay cudurka COVID-19.
Mashruucan ayaa lagu wanaajinayaa nolosha dadka deegaanka ee martigeliyay qaxootiga iyagoo koox koox loo siinaya lacago ay ganacsi ku sameysan karaan.
Sidoo kale waxaa wax laga beddelaya adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada halka la xaqiijinaya in dadka ay haystaan biyo ku filan iyadoo loo marayo qodidda ceelaha biyaha.
Ismaamulka Garissa ayaa mashruucan ka helay 4.2 bilyan oo shilin, Turkana 3.3 bilyan halka dowlad deegaanka Wajeer la gaarsiiyay 2 bilyan oo shilin.
Horjoogaha bangiga adduunka u qaabilsan fulinta mashruucan Matt Stevens oo socdaal ku tagay deegaanada Lagdera iyo Dadaab ayaa shaaciyay in barnaamijkan uu sii jiri doono muddo 12 bilood oo dheeraad ah.
Waxaa uu sheegay in horay qorshuhu uu ahaa in mashruucan uu dhamaado bisha Afaraad ee sanadka soo socdo balse hadda. uu jiro geeddisocod muddadan lagu kordhinaya ilaa bisha Afaraad ee sanadka 2023-ka ka dib codsi ka yimid dowladda Kenya.
Stevens ayaa sheegay inay sameynayaan dib u eegis lagu xaqiijinayo in lacagaha la bixiyay loo adeegsaday ujeedkii loogu talagalay sidoo kalena la haqabtiray baahiyaha bulshada.