DHAGEYSO:Guddoomiyaha nabadda ee Lagdera oo codsaday in la caawiyo dadka ay abaartu saameysay

0
342

In kastoo deegaano kala duwan oo ka  tirsan  ismaamulka Garissa ay maalmahan roobab lagu diirsaday  ka  da’een  ayaa haddana waxaa jira deegaano  badan  oo aan weli  laga  roobaysan waxaana ka mid ah Lagdera  oo  saameynta  abaarta aad looga dareemaya .

Guddoomiyaha guddiga  nabad galyada  ee Lagdera Dhaqane  Faliir ayaa dowladda ismaamulka, midda dhexe iyo hay’adaha gargaarka ka   codsaday in ay caawimaad degdeg ah gaarsiiyaan dadka  Lagdera  ee wajahaya  xaaladaha nololeed.