Booliska oo lagu amray in ay si buuxda u dhaqan geliyaan amarrada ka dhanka ah COVID-19

0
609

Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa saraakiisha ammaanka amar ku siiyay in ay dhaqan geliyaan dhammaan amarrada dowladda ee lagu xakameynayo faafitaanka cudurka COVID-19.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay jirto habac sanaan la xiriirta u hoggaansanka tallaabooyinkii ay dowladdu soo saartay.
Arrimahan uu Mutyambai sheegaya in la fududeystay waxaa ka mid ah in aan la ilaalin kala fogaanshaha , isticmaalka afxirka iyo xeerarka u degsan isku imaatinka dadweynaha.
Waxaa bayaanka taliyaha guud ee booliska dalka qayb ka ah in la qabanayo isku soo baxyo dadweyne iyadoo ay ka soo qayb galayaashu aad iskugu dhow yihiin oo aynan maaskaro sidan.
Sidoo kale ganacsatada qaar ayaa lagu eedeyay in aynan ilaalin wakhtiga bandowga habeenkii oo u dhexeya 10-ka habeenimo ilaa 4-ta aroornimo.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa sidoo kale sheegtay in gaadiidka dadweynaha la saaro tiro rakaab oo xad dhaaf ah.
Cid kasta oo doonayso in ay qabato kulan dadweyne ayaa la xusuusiyay in ay arrinkan ku wargeliso taliyaha saldhigga booliska ee deegaanka saddex cisho ka hor maalinka ay munaasabaddu dhacayso.
Mr. Hillary Mutyambai ayaa dhammaan taliyaasha booliska ee ismaamullada ku amray in ay xaqiijiyaan u hoggaansanka amar iyo tallaabo kasta oo ay dowladdu kula dagaalamayso caabuqa corona.
Waxaa uu shacabka xusuusiyay in cid kasta ay mas’uuliyad shakhsiyeed ka saaran tahay ka hor tagga faafitaanka cudurka COVID-19 sidaas awgeedna cidii aan u hoggaansamin xeerarka degsan tallaabo sharciyeed laga qaadayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here