Waxaa lagu wadaa in saqda dhexe ee caawa uu Israa’iil ka dhaqan galo amar lagu mamnuucay inay halkaasi tagaan muwaadiniinta ka safro wadamada kale ee caalamka.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett.
Mas’uulkan ayaa xusay in amarkan oo la sugayo in dowladdu ay ansaxiso uu shaqeyn doono muddo 14 cisho ah.
Israa’iil ayaa noqonaya maamulkii ugu horreeyay ee si buuxda u xirta xuduuddiisa ka dib markii hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ku dhawaaqday faraca halista ah ee corona ee Omicron.
Saraakiisha caafimaadka ee Israa’iil ayaa rajeynaya in muddada ay xayiraadda dhanka safarrada caalamiga ah jirto la heli doono xog ku saabsan in tallaalka cudurka ee hadda la isticmaalo lagula tacaali karo noocan cusub ee caabuqa.
Faraca Omicron ayaa markii ugu horreysay lagu arkay dalka Koonfur Afrika.