Guddiga maamulo golaha warbaahinta wadanka ee MCK ayaa madaxa fulinta David Omwoyo u kordhiyay muddo xileedka shaqo.
Mas’uulkan ayaa golaha MCK sii hoggaamin doono shan sano oo dheeraad ah .
Waxaa arrinkan maanta shaaciyay guddoomiyaha guddiga Maina Muiruri.
Muddo xileedka Omwoyo ayaa horay ku ekaa bisha Toddobaad ee sanadka soo socdo balse waxaa uu xilkan hayn doonaa ilaa 2027-ka.
Muiruri ayaa xusay inay go’aankan qaateen ka dib markii lagu qancay waxqabadka madaxa fulinta ee golaha warbaahinta dalka ee MCK.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in David Omwoyo oo afartii sano ee ugu dambeeyay ahaa madaxa fulinta uu helay boqolkiiba 76 ee qiimeynta.
Golaha MCK ayaa ah mid dastuuri oo xaqiijiya in warbaahinta ka howlgasho gudaha Kenya ay ku shaqeyso qaab waafaqsan xeerarka u degsan.