2 qof oo loo xiray burbur ay u gaysteen marinka tareenada ee SGR

0
347

Waxaa lagu soo warramayaa in gacanta lagu dhigay laba qof la sheegay inay ka dambeeyaan burbur dhawaan loo gaystay xarun ka mid ah marinka casriga ee tareenada ee SGR.
Labada qof ayaa lagu eedeeyay inay burburiyeen khadka SGR ee aaga Mtito Andei ee waddada xiriiriso ismaamullada Nairobi iyo Mombasa.
Wararka ayaa intaa ku daraya in shakhsiyaadkan ay goobta ka xadeen qalab badan oo marinka casriga ee tareenada ee SGR.
Guddiga adeegga qaran ee booliska dalka ee NPS ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay dib u habeeyaan baloogyada tareenka ay shakhsiyaadkan burburka u gaysteen.
Tallaabada ay qaadeen raggaan ayaa horseedday inay hakad galaan rakabkii saarnaa tareennadii waddadaasi adeegsanayay.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay in labada eedeysane oo magacyadooda lagu sheegay Nichodemus Chave iyo Michael Mbevi, lagu soo oogi doonaa dambiyo la xiriira qaran dumis dhaqaale iyo argagixisnimo.
Mbevi ayay boolisku sheegeen inuu yahay ganacsade biraha iibiya, halka Kyove uu yahay darawal kaxeenayay gaariga xamuulka ah oo la doonayay in qalabka u burburiyeen ay ku qaataan.