Militariga Suudaan oo sheegay in ciidamo looga dilay Itoobiya

0
315

Militariga dalka Suudaan ayaan bayaan uu soo saaray ku sheegay in dhowr sarkaal looga dilay weerar ay ku soo qaadeen askarta dalka Itoobiya.
Dilalka ayaa laga soo tabiyay gobol ku yaalla xadka ay wadamadan wadaagaan kaasoo lagu muransan yahay.
Waxaa bayaanka qayb ka ah in ciidamada Suudaan ay iska caabin sameyeen iyagoo dhanka Itoobiya gaarsiiyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo burburin qalab labaduba.
Hasa ahaate militariga Suudaan ayaan weli cayimin tirada saraakiisha ka dhintay iyo falcelinta ay sameyeen.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo wareedyo ka tirsan militariga dalkaasi ayaa ku warramaysa in ugu yaraan 6 askari la dilay.
Dowladda Itoobiya ayaan weli dhankeeda ka hadlin weerarka lagu eedeyay in ciidamadeeda ay ka gaysteen agga loo yaqaano Al-Fashaqa