Barasaabka Meru oo xisbi cusub soo bandhigay

0
246

Guddoomiyaha ismaamulka Meru Kiraitu Murungi ayaa shalay si rasmi ah u soo bandhigay xisbiga awood siinta dowlad wadaajinta ee (DEP).
Xisbigan cusub ayaa shaaca looga qaaday xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah diyaar garowga ay siyaasiyiinta ugu jiraan doorashada guud ee sanadka 2022-ka iyagoo aasaasaya ururro ama ku biiraya isbeheysi ay aaminsan yihiin inuu ku guulaysan karo hoggaanka wadanka.
Hoggaamiyaha Meru ayaa sheegay in xisbigan uu shacabka bartamaha wadanka fursad u siin doono inay la gorgortamaan isbeheysiyada waawayn ee dalka ka jiro.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu noqon doono mid u ololeeya danaha kenyaanka si gaar ah dadweynaha Mt. Kenya.