Nin iskudayay in qof ku biiraya ciidamada difaaca dalka uu 400,000 ka qaato oo la xiray

0
518

Waxaa gacanta lagu dhigay Isaac Serem oo ku eedeysan in isagoo iska dhigayay inuu ka tirsan yahay ciidamada difaaca wadanka ee KDF-ta uu isku dayay in mid ka mid ah dhallinyarada la shaqaaleysiinaya uu ka qaato lacag dhan 400,000 oo shilin.
Wasaaradda gaashaan dhigga ee Kenya ayaa sheegtay in shakhsigan uu adeegsanayay warqad been abuur ah.
Kenyaanka ayay dhanka kale wasaaraddu uga digtay khiyaanada dadka lacagaha ka dalbanaya iyagoo u ballanqaadaya inay u fududeynayaan sidii ay uga mid noqon lahaayeen militariga wadanka.
Bayaanka KDF waxaa ku cad in la soo gabagabeeyay shaqaaleysiinta dhallinyaradii daneynayay inay ku biiraan waaxda difaaca dalka.
Eedeysanaha ayaa hadda ku jiro saldhigga waxaana lagu wadaa in maxkamadda la soo taago si dacwad loogu soo oogo.
Militariga Kenya ayaa shacabka ku boorriyay in iskuday kasta oo lacago looga qaadanaya ay ku wargeliyaan ciidamada ku sugan saldhigga ugu dhow ee booliska ama ay wacaan nambarrada tooska ee kala ah 0726419709 ama 0120300599.