Heerkulka sare ee hadda ka jira dalka oo dhan ayaa lagu wadaa inuu sii jiro bilaha Kowaad iyo Labaad ee sanadka dambe ee 2022-ka.
Ku xigeenka agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee dalka Bernard Chanzu ayaa sheegay in hawada qalalan ee ka dhalatay roob badan oo aan da’in sanadkan.
Waxaa uu heerkulka sare ku tilmaamay, inay tahay isbeddelka cimillada ee ka dhashay kuleylka caalamiga ah.
Waxaa uu sidoo kale ka digay in roob la’aanta iyo kuleylaha jira ay kor u kacayaan caabuqyada ku dhaca neef-mareenka, isagoo a ku baaqay in laga taxadarro.
Dadweynaha ayaa loogu boorriyay inay yareeyaan goobaha banaanka oo ay fadhiistaan islamarkaana cadceedu aad u qabanayso taas oo la sheegay inay keeni karto fuuq-bax.
Waxaana sidoo kale kenyaanka loogu baaqay inay ka taxadarraan goynta dhirta maadama kuleylaha ay ku imaanayso xaluufinta dhirta.
Qaybo ka mid ah dalka ayaa waxaa ka jira kuleylo aad u daran taas oo Keentay in saameyn ay ku yeelato dadka u nugul caabuqayada ku dhaca neefmareenada.