Raila “Shacabka Mt. Kenya igu aamina hoggaanka ugu sarreeya dalka oo ila shaqeeya”

0
489

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ka codsaday dadweynaha gobolka bartamaha dalka inay ku aaminaan hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay inuu fahmayo dhibaatooyinka ugu badan ay wajahayaan kenyaanka, islamarkaana gobolka bartamaha dalka u qayb ka yahay.
Waxaa uu wacad ku maray in uu xal u heli doono dhibatooyinkaasi.
Waxaa uu xusay in beeruhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha gobolka bartamaha dalka, isagoo ballanqaaday in uu mudnaanta siin doono hirgelinta isbedellada uu bilaabay maamulka madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo looga gol-leeyahay in lagu kobciyo waxa soo saarka shaaha, bunka, caanaha, afaakaadada iyo kuwa kale ee gobolka Mt. Kenya.
Mr. Odinga ayaa carrabka ku dhuftay in haddii loo doorto madaxweynaha dalka sanadka soo socda uu ku dhaqaaqaya in uu wax ka beddelo wax soo saarka beeraha si ay uga faa’iidaystaan malaayiin beeralayda gobolka bartmaha dalka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa ku adkeystay in Kenya ay u baahan tahay xasillooni si loo gaaro barwaaqo waarta.
Raila Odinga oo haatan ku sugan ismaamulka Nyeri ayaa dadweynaha ka dhaadhicinaya ololaha higsiga mideynta bulshada ee Azimio la Umoja.