Golaha maamulo Suudaan oo sheegay in ra’iisul wasaare Xamdook uu oggolaa in xukunka laga tuuro

0
477

Ku xigeenka madaxa golaha maamulo dalka Suudaan Generaal Maxamad Xamdaan Dagalo ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha wadankaasi Cabdalla Xamdook uu ka war qabay oo uuna oggolaa afgembigii dhacay 25-kii bishii hore.
Ciidamada militariga ayaa tallaabadaasi xilka laga tuuray maamulkii rayidka ee uu hoggaaminayay Xamdook in kastoo heshiis la gaaray Axadii, dib loogu soo celiyay xukunka.
Maxamad Xamdaan ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha uu si buuxda ula dhacsanaa afgembiga ka hor inta aan la fulin.
Waxaa uu tilmaamay in inqilaabka uu ahaa natiijada geeddisocod dheer oo wada hadallo ah kuwaasoo talooyin badan lagu soo jeediyay.
Mas’uulkan ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Al Jazeera ku sheegay in ra’iisul wasaaraha qudhiisa uu soo bandhigay labo arrimood intii ay kulamu socdeen hasa ahaate ay tixgeliyeen saddex aragti oo middii ugu wanaagsanayd ay la ahayd inay talada la wareegaan taasoo uu Cabdalla Xamdook ku qanacsanaa.
Maxamad Xamdaan ayaa ku adkeystay in aynan si iskood ah u inqilaabin xukuumaddii jirtay hasa ahaate ra’iisul wasaaraha Suudaan ayaan weli ka hadlin eedda dusha laga saaray.