NACADA oo cambaaraysay weerar lagu qaaday bukaan ku sugnaa goob dhaqan celin ah xaafadda Utawala

0
300

Ololaha qaran ee ka dhanka ah isticmaalka maandooriyaha ee NACADA ayaa cambareeyay fal weerar ah oo ka dhacay xarun dhaqan celin ah oo ku taalla xaafadda Utawala ee ismaamulka Nairobi.
Warbixin uu maamulkan soo saaray, ayuu shaaca kaga qaaday in ay u direen koox ka kooban hay’ado badan si ay u baaraan weerarka la sheegay in lagu qaaday qof xaruntaasi lagu daaweynayay.
Waxaa ay tani imaaneysa ka dib markii baraha intarneetka lagu faafiyay sawirrada nin lagu magacaabo Gilbert Kipgeno oo ay ka muqdeen calaamado muujinaya in dhibaato loo geystay, kaas oo halkaasi u tagay daryeel maskaxeed.
Madaxa fulinta ee ololaha qaran ee ka dhanka ah isticmaalka maandooriyaha ee NACADA, Victor Okioma ayaa sheegay in maamulkooda uu caddeynaya inaysan raali ka ahayn falal noocaan oo kale in lagula kaco dadka ku sugan goobaha lagu dhaqan celiyo dadka maskaxdooda mandooriyaha saameysay iyo wixi la mid ah.
Mr. Okioma ayaa sheegay in warbixin faahfaahsan oo ku saabsan tillaabada la qaaday ay dib ka soo sheegi doonaan.
Waxaa uu dhanka kale shacabka uga digay inay adeegyada ay bixiyaan ay u radsadaan xaruma aan la aqoonsan.
NACADA ayaa sidoo kale sheegtay inaysan wali aqoonsan xarunta falka laga soo tabiyay ee xaafadda Utawala ee magaalada Nairobi, islamarkaana kooxo iskudhaf oo hay’ado ay u direen halkaasi.
Waxa uu sheegay in ololaha NACADA uu la kaashanaya waaxda dowladda dhexe u qaabilsan xaqiijinta tayada badeecooyinka ee (KEBS) iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah, si loogu hoggaansamo heerar ku saabsan maaraynta dadka ay saameysay isticmaalka muqaadaraadka ama maandooriyaha.