DHAGEYSO:Xeryaha qaxootiga Dadaab oo la gaarsiiyay adeegyo ay aad ugu baahnaayeen bulshada

0
265

Waxaa xeryaha qaxootiga ee Dadaab markii ugu horreysya laga daahfuray barnaamij adeegyada dowladda ee shacabku u baahan yihiin lagu gaarsiiyay xeryaha qaxootiga waxaana ka mid ah adeegyadaas warqadaha dhalashada, sharciga darawalnimada, dokumeentiga canshuur bixinta ee maamulka KRA iyo kuwa kale oo horaan dadka ay u doonan jireen meel xeryaha ka baxsan sida magaalada Garissa.
Barnaamijkan ayaa waxaa hirgelintiisa iska kaashanaya dowladda dhexe ,midda ismaamulka Garissa iyo hay’adaha qeybta suuqgeeynta iyo ganacsiga ee Garissa.
Mahad Sheekh Saalax oo mas’uuliyiinta barnaamijkan fulinaya ka mid ah ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay