Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Laamaha ammaanka oo gacanta ku dhigay wakiilka deegaanka hoose ee Sololo oo...

Laamaha ammaanka oo gacanta ku dhigay wakiilka deegaanka hoose ee Sololo oo baxsad ahaa

Wakiilka deegaanka hoose ee Sololo ee ismaamulka Marsabit Halkano Konso ayaa isu soo dhiibay agaasinka waaxda dambi barista dalka ee DCI-da.
Laamaha amaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku raad joogay Mr. Konso oo baxsad ahaa iyadoona markii gacanta lagu dhigay loo gacan geliyay waaxda qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee ATPU si su’aalo dheeraad ah loo waydiiyo, ka hor inta aan la horkeenin maxkamadda isaga iyo eedeysanayaal kale.
Wakiilka ayaa lala xiriirinaya keenista hub dhawaan laga qabtay deegaanka Elle borr ee waqooyiga ismaamulka Marsabit oo loogu tala galay dhinacyo ku dagaallamaya xuduudda deegaannada Turbi iyo Sololo ee ismaamulkaasi.
Afar tuhmane oo labo ka mid ah ay ahaayeen sarakiil ka tirsanaa dowladda ismaamulkaasi ayaa toddobaadkan gudihiisa waxa xiray saraakiisha waaxda ilaalada xuduudaha ee (BPU) iyagoo sida hub sharci darro ah iyo raashin.
Gaariga ay ku sideen hubka ayaa la sheegay inay u wadeen xadka deegaanadaTurbi iyo Sololo oo dagaal beleedyo ka dhacaan.
Dambi baarayaasha ayaa caddeeyay in baabuurka dowladda ay afarta tuhmane adeegsanayeen uu ku jiray gacanta wakiilka islamarkaana isaga lagu ogaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments