Waxaa maanta xafada islii degaanka kamakuunji ee magaladda Nairobi lagu qabtay shir uu soo qaban qaabiyay maamulka qaran ee qaabilsan adeeg bixinta casimadda ee NMS oo kaashanaya wasarada cafimaadaka dalka.
shirkan oo ay kasoo qayb galeen masuliyiin uu kamid yahay gudoomiye ku xigeenka dawladda dhexe ku matala degaanka kamakuunji Samuel kariuki, iyo gudoomiye xafadeedyada degaankaasi ayaa looga hadalay sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada talaal bixinta ee degaanka kamkuunji oo ay hoostagto xafada isli.
Masuliyiinti ka qayb gashay kulankan ayaa isku wadaarsaday habka ugu haboon ee loo qaadi karo ol’ole talaal lagu siinayo caruurta ka yar shanta-sano. Iyada oo talaakaasina uu garab socdo midkale oo dhankooda talaal lagu gaar siinayo gabdhaha da’doodu u dhaxayso 10-ilaa 14-sano jirka.
Sida ay sharaxayso bitrice lugaaliyo oo kamida qaban qaabiyaashi kulankan.
Shacabka ayaa dhkooda laga codsaday in dawlada garab ku siyaan talabooyinka waxtarka u leh bulshada oo uu kamid yahay talaalku.
Xuseen rooba waxaa uu kamid yahay masuuliyiinta xafada islii waxaa uu dhankiis ku booriyay kenyaanka ku dhaqan degaanka kamakunji inay u badkooda talalaan.
Yussuf gaas .