Kenya iyo Koonfur Afrika oo xoojinaya xiriirkooda

0
400
South Africa's President Cyril Ramaphosa stands next to Kenya's President Uhuru Kenyatta during his state visit at the government's Union Buildings in Pretoria, South Africa, November 23, 2021. REUTERS/Siphiwe Sibeko

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku heshiiyay inay sii wadaan wada shaqeynta hoose ee ka dhexeysa.
Tallaabadan ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga ku saabsan danaha ay wadamadan wadagaan.
Heshiiskan ayay gaareen ka dib markii hoggaamiyaha dalka uu dhawaan Koonfur Afrika ku tagay safar rasmi ah.
Warbaahinta dowladda ee KBC ayaa ku warramaysa in ujeedka socdaalka Uhuru uu ahaa in qiimeyn lagu sameeyo heerka uu marayo xiririka Kenya iyo Koonfur Afrika.
Kenyatta iyo Ramaphosa ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay dhameystirka heshiis iskaashi oo istaraatiiji ah.
Heshiisyada laba geesoodka ah ee ay saxiixdeen ayaa ku saabsan wadatashiyada dibloomaasiyadeed , tababarrada dhanka dibloomaasiyadda , dalxiiska, socdaalka, caafimaadka,gaadiidka , adeegyada hawada iyo kuwo kale.