Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay dardargelinta tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mutahi Kagwe ayaa maalmo ka hor sheegay in laga billaabo 21-ka bisha Diseembar aan adeegyada dowladda la siin doonin qof aan soo bandhigin caddeyn ah inuu qaatay dawooyinka tallaalka.
Guddoomiyaha guddiga qaran ee loo xilsaaray qaybinta tallaalka Dr. Willis Akhwale ayaa difaacay go’aanka wasaaradda .
Waxaa uu xusay inaynan jirin qaab kale oo loogu guulaysan karo dagaalka ka dhanka ah caabuqa corona.
Akhwale ayaa sidoo kale tilmaamay in ujeeddada laga leeyahay arrinkan ay tahay inaysan waxba kama jiraan noqon guulaha lagu tallaabsaday tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii hore.
Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray in wasaaradda caafimaadka ay isku diyaarinayso maareynta wajiga afaraad ee caabuqa oo laga cabsi qabo.
Dr. Akhwale waxaa uu sheegay in wasaaradda caafimaadka ee dalka ay sameyn doonto wax kasta oo ay awooddo si sare loogu qaado bixinta tallaalka.
Shalay ayay ahayd markii Kenya la soo gaarsiiyay 907, 200 kuuro oo ah nooca tallaalka ee Johnson&Johnson oo ay ku deeqday hay’adda MasterCard Foundation .
Ilaa iyo hadda waxaa corona gudaha wadanka looga tallaalay ugu yaraan 6.4 milyan oo qof wuxuuna qorshuhu yahay in dhammaadka sanadkan tiradan ay gaarto 10 milyan.