Xulafada madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa Madaxa cadaalada dalka Martha Koome ka codsaday inay ilaaliso madax banaanida garsoorka.
Waxaa ayna ugu baaqeen inay ka qeyb qaataan garsoorayaasha maareynta doorashooyiinka dalka ka dhici doona sanadka dambe.
Hogaamiyayaasha xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa waxaa ay kala yihiin barasaabka Nandi Stephen Sang, xildhibaan Aden Duale oo laga soo doorto (Garissa Township), Kipchumba Murkomen (Elgeyo Marakwet), Kimani Ichungwa (Kikuyu), Kimani Ngunjiri (Bahati) iyo Didmus Barasa (Kimilili).
Madaxdan oo socdaal ka dhan ah ololaha doorashada maanta ku qabtay ismaamulada Nandi iyo Uasin Gishu iyagoona oo uu la socday Dr Ruto ayaa ugu baaqay garsoorka Kenya inuu noqdo garsoore dhexdhexaad ah oo u kala garqaada hadii uu muran ka dhasho doorashada guud ee soo socota.