Maxkamadda sare oo diiday inay dhinac isaga dhigto xukunka xabsiga ee agaasimaha dambi baarista dalka

0
540

Maxkamadda sare ee dalka ayaa diiday inay dhinac isaga dhigto xukunka afarta bilood ee xarigga ee dhawaan la dul dhigay agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Mr. George Kinoti.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kihara Kariuki ayaa maxkamadda geeyay dacwad uu kaga soo horjeedo in la dhaqangeliyo xukunkan, inta laga dhageysano codsiga u gudbiyay.
Garsooraha maxkamadda sare Anthony Mrima ayaa si kastaba ha ahaatee, diiday in uu dhinac isaga dhigo muddada xabsiga lagu xukumay agaasimaha waaxda dambi baarita dalka ee DCI-da, isagoo dhanka kale sheegay in codsiga xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kihara Kariuki la dhageysan doono berri oo Khamiis ah.
Madaxa dambi baarista wadanka ayaa haysta ilaa berri oo khamiis ah si uu hub sharciyeysan ugu wareejinayo ganacsade Jimmy Wanjigi oo ay horay ciidamada ammaanka kala wareegeen.
Kihara Kariuki ayaa ku doodaya in dafiraadda amarka maxkamadeed ee loo haysto Kinoti aan sida habboon loo wajahin maadaama uu jiro guddi qaabilsan sharciyeynta hubka.
Isagoo uu matalaya qareen lagu magacaabo Cecil Miller ayuu xeer ilaaliyaha qaranka sheegay in agaasimaha waaxda dambi baarista uunan kaalin ku lahayn keydinta hubka sidaas awgeedna aan loo ciqaabi karin.