Sweden oo yeelatay ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee haweeney ah

0
449

Xubnaha baarlamaanka ee dalka Sweden ayaa u codeeyay in Magdalena Andersson ay noqoto ra’iisul wasaaraha wadankaasi.
Waxay ka soo jeedaa xisbiga dimuqraadiga bulshada waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilka ra’iisul wasaaranimo qabato taariikhda Sweden.
Magdalena oo 54 sano jir ah ayaa hoggaanka xisbiga la wareegtay horraantii bishan waxayna beddeshay Stefan Lofven ka dib markii maanta lagu xaqiijiyay codeyn uu sameeyay baarlamaanka.
117 ka mid ah xubnaha baarlamaanka Sweden ayaa codkooda ku taageeray halka 174 ay ka soo horjeesteen waxaana codeynta ka aamusay 57.
Dastuurka dalkaasi ayaa dhigaya in ra’iisul wasaaraha uunan u baahneyn inuu helo taageerada aqlabiyadda si uu xilka ula wareego balse in aqlabiyadda xildhibaanada oo ah ugu yaraan 175 aynan ka soo horjeedsan.
Andersson ayaa hadda ah wasiirka maaliyadda ee Sweden ayaa jagada ra’iisul wasaaraha si rasmi ah ula wareegi doono Jimcada ka dib marka ay kulan la qaadato boqorka 16-aad ee Carl XVI Gustaf