Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Tirada dhimasahada ee shilalka waddoyinka ee dalka oo sanadkan korortay

Tirada dhimasahada ee shilalka waddoyinka ee dalka oo sanadkan korortay

Dowladda dhexe ee dalka ayaa diiwaangelisay inay korortay tirada dhimashada ee ka dhalatay shilalka waddooyinka ee guud ahaan dalka.
Waxaa sanadkan la diiwaangeliyay 4,023 dhimasho, intii u dhaxeysay bilihii Koowaad iyo 11-aad ee sanadkan.
Tiradan ayaa ka badan marka la barbardhigo dhimashadii la diiwangeliyay sanadkii hore, taas oo ahayd 3,340, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna.
Wadayaasha mootooyinka ayaa ah kuwa ugu badan shilalka waddooyinka ku dhintay, iyadoo tiradoodu lagu sheegay 1,508 sanadkan.
Tirade shilalka waddooyinka ee dadka lugeynayay ayaa dhimashadooda lagu sheegay 1372 qof.
Rakaabka ayaa dhankooda lagu sheegay 664 halka darawaladu ay yihiin 403.
Afhayeenka dowladda Cyrus Ogun ayaa sheegay in dhimashada ugu badan la soo tabiya xilliyada ciidaha, iyadoo shilalka ugu badan laga soo sheegay wadada Mai Mahiyu ee ismaamulka Narok.
Waxaa uu xusay in tirada dhimashadu ay aad uga badan tahay marka loo eego tirooyinkii la diiwangeliyay sanadihii hore.
Sidoo kale, waxa uu xusay in sababta ugu weyn ee keenta shilalka waddooyinka ee dalka ay tahay in si xowli ah loo kaxeeynayo gawaarida, iyadoo dhanka kale darawallada baabuurta howla kale ku mashquulaan xilliga ay baaburta wadaan.
Mr. Oguna ayaa ugu dambeyn sheegay in si loo dhimo dhimashada ka dhalatay shilalka waddooyinka, dowladda ay kaashan doonto maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA iyo waaxda adeegga booliska ee (NPS), si wadayaasha baaburta ay ugu hoggaansamaan shuruucda waddooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments