Maamulka canshuuraha dalka ee KRA ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in saraakiisha kastamka ay xalay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA , magaalada Nairobi ku qabteen dahab qiimo ahaan ku kacaya 31 milyan oo shilin.
Badeecadan ayaa mug ahaan lagu sheegay 4.88 kiilogaraam.
Qoraalka KRA waxaa uu muujinaya inaynan jirin cid sheegatay dahabka oo la doonayay in laga gudbiyo JKIA si loogu iib geeyo dalka India.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha ay aqoonsadeen 30 haween oo kenyaan ah kuwaaso ka safrayay magaalada Nairobi kuna wajahnaa magaalada Mumbai ee India iyagoo sii maraya dalka Qatar.
Haweenkan ayaa si toos ah loola xiriirinayaa saddex kale oo la qabtay 19-kii bishii sideedaad ee sanadkan xilli ay galayeen magaalada Mumbai ee wadanka India iyagoo sitay hal kiilogaraam oo dahab ah.
Maamulka KRA ayaa rakaabka ku boorriyay inay shaaca ka qaadaan xamuulka ay sitaan marka ay wadanka soo gelayaan, ka safrayaan ama ay ku sugan yihiin dekadda sida ku qeexan xeer la ansaxiyay sanadkii 2004-tii.