Faransiiska oo muwaadiniinteeda kala baxaysa Itoobiya

0
289

Dowladda Faransiiska ayaa ku biirtay wadamada Jarmalka , Ingiriiska iyo Maraykanka oo dhawaan muwaadiniintooda ku sugan gudaha dalka Itoobiya ku wargeliyay inay halkaasi isaga soo baxaan.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay sii xoogeysanayaan dagaallada socda muddo sanad ah ee u dhexeya ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya iyo xoogagga TPLF ee gobolka waqooyi ee Tigray.
Qaramada midoobay ayaa dhankeeda sheegtay inay si ku meel gaar ah dalka Itoobiya uga daadgureynayso qoysaska shaqaalaheeda in kastoo howlwadeenada ay weli gudaha dalkaasi sii joogayaan iyadoo xaaladda si dhow loola soconaya.