Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Barta Facebook-ga ee waaxda dacwad oogidda dalka (ODPP) oo la jabsaday

Barta Facebook-ga ee waaxda dacwad oogidda dalka (ODPP) oo la jabsaday

Barta Facebook-ga ee waaxda dacwad soo oogidda dalka ee ODPP ayaa lagu soo warramayaa in la jabsaday.
Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa caawa xaqiijisay in boogeeda ay ku lahayd baraha bulshada gaar ahaan Facebook-ga ay jabsadeen dad aan la garaneen.
Waxaa ay waaxda arrinkan ku ogeysiisay barteeda kale ee Twitter-ka.
Burcadda ayaa magaca barta ODPP ee Facebook-ga u beddelay Fam Hâm Mộ Của QuanCon.
Waxay waaxda intaa ku dartay inay jiraan koox ka shaqaynaysa si dib loogu soo celin bartooda Facebook-ga, islamarkaana ay shacabka ku wargeliyeen inay ku howlan yihiin sidii arrintaan loo xallin lahaa.
Waxaa jiray walaac laga qabo kiisaska sii kordhaya ee weerarrada ka dhanka internetka ee Kenya.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii la jabsaday baraha interneetka ee 18 waaxood oo dowladda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments