45 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay dalka Bulgaria

0
422

Ugu yaraan 45 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib shil laga soo tabiyay waddo wayn oo ku taalla galbeedka dalka Bulgaria.
Waxaa sidatan sheegay saraakiisaha maxalliga ah ee wadankaasi.
Shilka ayaa la soo tabiyay abaare 2-dii habeenimo ee saacadda dalkaasi.
Baabuurka shilka galay ayaa ahaa bas nooca rakaabka qaado.
Baska ayaa u socday wadamada Turkiga iyo waqooyiga Macedonia.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Bulgaria ayaa dhanka kale xaqiijisay dhimashada 45 qof, taasoo ka dhigaysa shilkii ugu dhimashada badnaa ee abid ee taariikhda wadankaasi.
Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in 12 carruur ah ay saarnaayeen gaariga, iyadoona ilaa hadda aynan caddeyn in midkood uu ka badbaaday shilkaasi.
Waxay wararka intaa ku darayaan in toddobo qof oo ka boodday gaariga oo gubanaya in loola cararay isbitaal ku yaalla magaala madaxda dalka Bulgaria ee Sofia.
Shaqaalaha isbitaalka ayaa sheegay in dadka ay waxyeladu soo gaartay xaaladooda ay wanaagsan tahay.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Bulgaria Boyko Rashkov, oo booqday goobta uu shilku ka dhacay ayaa sheegay in meydadka dadkii ku dhintay shilka ay wali ku jiraan gudaha baska ayna gubteen.
Ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ee dalka Bulgaria Stefan Yanev ayaa dhacdadaan ku tilmaaamay musiibo aad u weyn.
Dhanka kale ra’iisul wasaaraha wadanka waqooyiga Macedonia Zoran Zaev ayaa xusay in uu la hadlay mid ka mid ah dadkii ka badbaaday shilka, waxaa uuna u sheegay in rakaabka ay hurdayeen markii uu shilka dhacayay.