Sarkaal shaqada ku jiray xilli ay maxaabiis ka baxsadeen xabsiga Kilgoris oo damiin lagu siidaayay

0
398

Waxaa maanta damiin lacageed oo dhan 100,000 oo shilin lagu siidaayay sarkaal lagu magacaabo Andrew Bett oo shaqada ku jiray habeenkii ay saddex eedeysanayaal ka baxsadeen saldhigga booliska ee magaalada Kilgoris ee ismaamulka Narok.
Waxaa uu ka soo hormuuqday garsoore Josphat Mungai oo ka howlgalo maxkamadda dowlad deegaankaasi.
Bett ayaa lagu soo oogay ilaa saddex dacwadood oo la xiriira inuu waajibaadkiisa dayacay 19-kii bishan taasoo eedeysanayaasha u fududeysay inay baxsadaan.
Hasa ahaate ka dib markii uu iska fogeeyay waxyaabaha loo haysto ayay maxkamaddu ku siidaysay damiin lacageed.
Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Shadrack Leparan, Enoch Ndege iyo Patrick Mausa.
Dacwadda uu wajahaya sarkaalka booliska ayay maxakamadda Narok soo hadal qaadi doontaa 8-da bisha Diseembar ee sanadkan si loo dhageysto bisha saddexaad ee sanadka dambe.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii gacanta lagu soo dhigay saddex qof oo loo haysto argagixisanimo kuwaasoo ka baxsaday xabsiga wayn ee Kamiti.