Abiy Axmad oo sheegay inuu ciidamada militariga ku hoggaamin doono la dagaalanka TPLF

0
314

Ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya Abiy Axmad ayaa wacad ku maray inuu laga billaabo maanta furinta hore ka gelaya dagaalka ciidamada difaaca wadankaasi ay kula jiraan xoogagga TPLF ee gobolka Tigray.
Abiy ayaa arrinkan shaaca kaga qaaday bayaan uu gelinkii dambe ee shalay soo dhigay barta Twitter-ka.
Waxaa uu dadweynaha wadankaasi ugu baaqay inay dalkooda difaacaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken uu dhinacyada ku dagaallamaya Itoobiya ugu kula taliyay inay heshiiyaan.
Dagaalkan oo soo socday tan iyo bishii 11-aad ee sanadkii hore ayaa waxaa ka dhalatay xaalad baniaadanimo.